Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqayn dhinaca cirka oo maraykanku ka fuliyay maalintii Shalay agagaarka Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe.
War uu soo saaray Agaasimaha howl-galka Africom, William Gayler, ayaa lagu sheegay in duqeymaha iyo weerarrada noocan ah ay Dhabar jab weyn ku yihiin Al-Shabaab , una diidayaan in ay sameeyaan dhibaatooyin ballaaran.
Qoraalka kasoo baxay taliska Africom oo aan lagu baahin Magaca sarkaalka la dilay ayaa sidoo kale lagu sheegay in howl-galkaasi aysan waxyeello ka soo gaarin Dadka Rayidka ah ee ku dhaqan halkaas.
.






