Wararka aan ka helayno Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha dhexe, ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen Ciidamadii Amisom ee gudaha Magaalada daganaay.
Ammaanka guud ee Degmada Warsheekh ayaa waxaa lagu wareejiyay Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabelle kuwaasi oo amniga si wayn u adkeeyay.
Munaasabad Kooban oo ka dhacday gudaha Degmada Warsheekh ayaa Ciidamada Booliska ay kula wareegeen gacan ku haynta ammaanka Degmadaasi.
Ciidamadii Amisom ee Shantii sano ee la soo dhaafay gacanta ku haayay ammaanka Degmada Warsheekh, ayaa lagu soo waramayaa inay dagaan xero Ciidan oo ku taallo duleedka Degmada Warsheekh, taasi oo lagu magacaabo Qorolow.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa kula dar daarmay Ciidamada Booliska Warsheekh inay si wanaagsan u sugaan ammaanka Degmadaasi.
Taliyaha Booliska Hirshabelle Xasan Dhicisow ayaa dhankiisa Ciidamada farxay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Bulshada Degmada Warsheekh.






