Shirka Dib U Hishiisiinta Galmudug Oo La Shaaciyey Waqtiga Uu Furmayo.

0
501

GalmudugMaamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in maalinta arbacadda ah ee September 4, la qabanayo shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi oo ka dhacayo magaalada Dhuusomareeb ee ah xarunta maamulka galmudug.

Ergagada shirkaasi oo u badan hoggaamiyayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda beelaha dega halkaasi ayaa qeyb ka noqonayo shirka, waxaana intooda badan ergadaasi ay ku sugan yihiin magaalada dhuusamareeb gudaheeda.

Shirkaani oo ah dib u heshiisiinta beelaha dega galmudug kaasoo arbacadii furmi doonta ayaa la sheegayaa in ay ka duwanaan doonto kii shirarkii hore ee beelaha loo qaban jirey, waxaana uu noqonayaan dhabaha loo mari doono dhismaha maamul cusub oo ay yeelato Galmudug.