Jubaland Oo War-Saxaafadeed Kasoo Saartay Xaalada Wasiirka Amniga Maamulkaasi.

0
567

Gudigga Amniga jubaland oo kulan degdeg ah isugu yimi maanta ayaa war kasoo saaray xarigii loo gaystay Wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, Jubaland waxay wax lala yaabo ku tilmaantey xariga loo gaystay Wasiirka, Sidoo kalena waxay walaac ka muujisay Xaalada Amni iyo bad-qab ee Wasiir Janan.

Isla War-saxaafadeedkaan Jubaland waxay ugu baaqday in si degdeg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo wasiirka, Hay’adaha Garsoorka ee heer federaal iyo mid gobol ayayna ugu baaqeen in ay gutaan waajibaadkooda sharci sidoo kalena ay soo cadeeyaan xad-gudubka loo gaystay Wasiirka sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiir Janan ayaa shalay laga xiray garoonka diyaaradaha Muqdisho xili uu kusii jeeday Dalka Ethopia, DFS masuul ka tirsan oo hadlay waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Booliiska Somalia iyo Interpol ay soo xireen wasiirka, loona haysto Xasuuq uu ka gaystay Gobolka Gedo iyo deegaanada deriska la ah.