Maxkamadda Ciidanka qalab sida ayaa xukun dil ah ku riday dable Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo loo haystay in uu degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir ku dilay wiil arday ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud
26 july ee sanadkan ayuu dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir sida ay sheegtay Maxkamada Ciidanka Qalab sida.
Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida kasoo saartay go’aan waxaana ay maxkamadda ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.






