Xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Maanta Taliye Cusub Lagu Wareejiyey kadib Isku Shaandheyntii Taliyeyaasha Ciidamada.

0
591

Taliyaha cusub ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa la wareegay xilka munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac ayaa xilka  ku wareejiyay taliyaha, waxaana uu kula dardaarmay in uu Mas’uuliyad  iska saaro daryeelida  ciidanka Asluubta iyo Maxaabiista ku xiran  Xabsiyadda dalka ku yaalla.

Munaasabadda uu xilka kula wareegay taliyaha ayaa waxaa goobjoog ka  ahaa Wasiiro, xildhibaano iyo Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Ciidamada  qalabka sidda.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa horay u ahaa taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dhawaan xilkan loogu magacaabay kulan Golaha Wasiirradda ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.