Taliyaha cusub ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa la wareegay xilka munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.
Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac ayaa xilka ku wareejiyay taliyaha, waxaana uu kula dardaarmay in uu Mas’uuliyad iska saaro daryeelida ciidanka Asluubta iyo Maxaabiista ku xiran Xabsiyadda dalka ku yaalla.
Munaasabadda uu xilka kula wareegay taliyaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro, xildhibaano iyo Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda.
Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa horay u ahaa taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dhawaan xilkan loogu magacaabay kulan Golaha Wasiirradda ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.












