Madaxweyne Puntland Oo Maanta Dhamaystiray Gudiga Ku Meel-Gaarka Ah Ee Doorashooyinka Puntland.

0
534

Madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa magacaabay xubnaha gudigga ke meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland oo ka kooban 9 xubnood.

4 ka mid ah xubnahaan waxaa horay u magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Magacyada gudiyadaan ayaa kala ah.

  1. Cabdinuur Shuukh Maxamed Isxaaq
  2. Sahra Jaamac Saalax
  3. Cali Jaamac Faarax
  4. Cabdullaahi faarax Mire
  5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle
  6. Guulleed Saalax Bare
  7. Jaamac Xirsi Faarax
  8. Xafso Salaad Maxamed
  9. Cadirisaaq Axmed Siciid

Dadka Kasoo dhex muuqday Liiskaan ayaa waxaa ka mid ah Weriye hore Abdinuur Sheekh Maxamed oo kasoo shaqeeyay Idaacada BBC, Cabdilaahi Faarax Mire oi mudo ka shaqaynayay tacliinta iyo hay’daha Maxaliga ah ee Puntland iyo Sahro Jaamac Saalax oo ka mid ah xubnaha ururada bulshada rayidka ah ee Puntland.