Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Munaasabada ay xilalka kula kala
wareegayeen wasiirkii hore ee beeraha, xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa iyo
wasiirka cusub ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Xafaladan oo lagu qabtay xarunta
wasaaradda beeraha xanaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa ayna kasoo qayb galeen
xubno ka tirsan golaha wasiiradda, xildhibaano iyo mas’uuliyiin ayaa waxaa si
rasmi ah maanta xilka ugula wareegay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka
beeraha xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Xuseen Sheeekh Maxamuud Xuseen.
Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahin Wasiirkii hore ee beeraha oo hadal ka jeediyay munaasabadda
ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu xilka ku wareejiyo wasiirka
cusub, waxa uuna ALLE ugu baryay in uu u fududeeyo xilka.
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka
xanaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa oo sidoo kale saxaafadda la hadlay ayaa u
mahad celiyay wasiirkii hore waxa uuna shaqaalaha ka codsaday in ay si
wanaagsan ula shaqeeyaan maadaama ay tahay wasaaraddu mid magaceedu uu ku
qotamota kheyraadka dalka si loo soo celiyo wax soo saarkii ay laheyd.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




