Sarkaal Ka Tirsan Hay’adda WFP Oo La Kulmay Wasiirka Qorsheynta Iyo Xiriirka Caalamiga Ah Ee Soomaaliya

0
1322

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Cabdulahi Goodax Barre Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Stefano Porretti oo ah.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha gargaarka iyo kuwa bini’aadanimo sidii wax looga qaban lahaa.

Kulanka kadib ayaa waxaa ugu horeyn saxaafadda la hadlay Wasiirka Qorsheynta Cabdulaahi Goodax Barre oo sheegay in mas’uuliyiinta ka socota  hay’add Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee WFP ay ka wada hadleen xaaladda gargaar iyo xilliga lagalayo ee xilli roobeedka ah islamarkaana ay barakacayaasha xaaladooda isbedeli doonto iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay roobabka geysan karaan.

Sidoo kale waxaa saxaafadda la hadlay Stefano Porretti oo ah Wakiilka Wadamada ee WFP ayaa aad uga mahadceliyay Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wada shaqeynta balaaran ee ka dhaxeyso hay’adda iyo dowladda KMG Soomaaliya,

Wuxuu sidoo kale sheegay in hay’adda aysan ka shaqeynin oo kaliya Cuntada balse ay ogyihiin shacabka Soomaaliyeed balse hadda waxaan xukuumadda ka wada hadalnay xaaladaha gargaarka iyo sidii loo xoojin lahaa gargaarka shacabka Soomaaliyeed iyo inagoo ka gaashaamaneyno xilli roobeedka soo socdo si aysan wax dhibaato ah ugu geysan barakacayaasha.

. Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)