Ciidamada Ilaalada Dalka Iran oo Gacanta Ku Dhigay Markab Ajnabi Ku Xadgudbey Xeebaha Dalkaasi.

0
543
Ciidammada ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan ayaa qafaashey markab ajinabi ah oo marayay gacanka Cumaan,sida uu ku warray telefishinka dowladda ee Iiraan.
Waxay sheegtay in markabka uu siday shidaal cadaddiisu gaarayso ilaa 700,000 oo litar, waxayna intaasi ku dartay in toddobo qof oo shaqaale ka ahaa markabkana la xiray.
Iiraan ayaa markabka ku sheegtay shidaalka uu siday mid sharci darro ah u siday qaar ka mid ah waddamada Carabta, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Waa markii labaad oo ay Iran qafaalato markab shisheeye oo 13-kii bisihii July waxay ciidamadeeda Ilaalada Kacaanka ay xeebaha Iran ku qabteen markab ay sheegen in uu siday shidaal shaci darro ah.