Maxaabiis Kasoo Jeeda Galmudug oo Puntland Xabsiga Ka Siideyneyso Maanta.

0
481
Puntland ayaa lagu wadaa inay xabsiga ka sii deyso maxaabiis gaaraysa 48 ruux oo u xirnaa dambiyo la xiriiro burcad-badeednimo kuwaasoo ay soo xukumeen maxkamado waddamo ku kale ku yaal.
Xabsiga ay ku xiranyihiin maxaabiista ayaa waxaa booqday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo mas’uuliyiin ka socda Puntland.
Kormeerka Guddoomiye ku xigeenka waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Cadaallada iyo Arrimaha Diinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud, xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka sare,Abshir Bukhaari ayaa u sheegay maxaabiistan in qorshuhu ahaa in ay hore u sii raacaan balse uu dib u dhac uusan sheegin ku yimid sii deyntooda.
Xeer ilaaliyaha Guud ee maamulka Puntland,Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa dhankiisa sheegay in xukunka 48 eedaysanayaal oo loo heysto falal la xariira Burcad-badeednimo kuna xiran xabsiyada Puntland ay xaq-darro ku xiran yihiin.
Ragga ku xiran xabsiyada Puntland oo xarig sanado badan ah lagu xukumay ayaa badankood ah kuwo ka soo jeeda deegaannada maamulka Galmudug , waxaana qorshaha lagu sii deynayo uu ku soo aaddaya xilli dhowaan dowladda Seychelles oo ah dal hore loogu soo xukumay maxaabiis badan oo dalka dib loogu soo celiyay ay ku eedeysay maamulka Somaliland sii deynta 19 ka mid ah maxaabiis burcad-badeed ahaa oo ku xirneyd xabsiyada Soomaaliland.