Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb Oo Lagu Wareejiyay Ciidanka Danab

0
509

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Militariga Somaliya ka tirsan ayaa lagu wareejiyay ammaanka guud ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad Goboledka Galmudug.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmaha soo socda waxaa la filayaa inay ka soo dagtaan Ergooyinka kala duwan ee ka qayb galaya Shirka Dib u heshiisiinta ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada Danab ayaa xarumo ciidan ka sameystay Garoonka gudihiisa oo amniga Garoonka si wayn uga adkeeyeen.

Ra,iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa kormeer ugu tagay Ciidanka Danab ee lagu wareejiyay ammaanka Magaalada Dhuusamareeb.

Khayre ayaa u sheegay Saraakiisha Ciidamada Danab inay si wagaansan u sugaan ammaanka Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.

Waxa kale uu u sheegay Saraakiisha Ciidanka hoggaaminaysa inay si wanaagsan ula dhaqmaan Ergooyinka & dadka kale ee ka soo dagaya Garoonka Diyaaradaha.

Ciidamada dowladda ayaa shalay si buuxda ula wareegay ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.