Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid keenista meydka Duqii Magaalada Muqdisho, oo Khamiistii ku geeriyooday Magaalada Doha ee dalka Qatar.
Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga diyaargarowbay in aas qaran loogu sameeyo Gudoomiyihi Maamulka Gobolka Banaadir & Duqii Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), oo u geeriyooday dhaawacii 24-kii bishii July ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.
Masuuliyiin iyo dadweyne fara-badan oo tan iyo saakay Garoonka Aadan Cadde u joogay keenista meydka Duqii Muqdisho, C/raxmaan Yariisow ayaa loo sheegay in dib u dhac uu ku yimid.
Guddiga qaban-qaabada aaska Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in meydka la keenayo Magaalada Muqdisho, maalinta berrito ah.
Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada aaska ahna Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta, Cabdi Canshuur Xasan ayaa Warbaahinta u sheegay in Axada la aasi doono Duqii Muqdisho.











