Khayre Oo Maanta La Kulmay Hooyada Dhashay Gudoomiye Yariisow

0
474

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu la kulmay hooyada dhashay Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir & Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa hooyo Nuuriya Xasan Isxaaq kaga tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee wiilkeeda ku timid, isagoona Alle uga baryay in samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa la kulmay ehelada Gudoomiyihii Gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa saxiixay buugga tacsida ee C/raxmaan Yariisow. Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in Yariisow uu ahaa masuul ay Soomaalinimada ku weyn tahay, una taagnaa qarannimada oo aan ka daalin u adeegidda bulshada.

Axada berrito ayaa waxaa lagu wadaa in Gudoomiye Yariisow aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.