Militariga Iyo Mucaaradka Suudaan Oo Isku Afgartay Heshiis Ku Meel Gaar Ah.

0
542

Gollaha milateriga wadanka Sudaan iyo isbahaysiga Mucaraadka ayaa ku heshiiyay inay wadaagaan awooda inta laga qabanayo doorasho.

Labada dhinaca ayaa ku heshiiyay in la dhiso xukuumada wadaag aoo maamulka sare ee xukumayaana uu noqdo mid wareegah, ugu yaraan muddo saddex sanno. Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in baaritaan madax banaan lagu sameeyo dadkii tirada badnaa ee lagu dilay intii ay socdeen banaanbaxyadu.

Heshiiskan ugu dambeeyay waxaa si ballaaran u soo dhaweeyay banaanbaxayaasha dalbanayay in gollaha milateriga uu xukunka ku wareejiyo dowladda rayid ah.

Rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay wadankaasi ayaa waxaa ku dhintay 7 qof, halka 181 qof ay dhaawacyo soo gaareen.