Taliyihi hore ee booliska Aljeeriya Abdulqani HamalImage caption: Taliyihi hore ee booliska Aljeeriya Abdulqani Hamal
Taliyihi hore ee booliska Aljeeriya Abdelghani Hamle ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib marki lagu soo eedeeyey fal musuqmaasuq.
Warkan oo aan ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya in taliye Abdelghani lala xiray laba wiil uu dhalay.
Balse Taliyaha iyo wiilashiisa lala xidhay kiiska loo haysto kama aysan hadlin.
Booliska Aljeeriya ayaa waxay bariyahan dambe dabagal xooggan ku hayeen madaxda dowladdii hore iyo ganacsatada waaweyn oo aad ugu dhowaa madaxweynihi hore Cabducasiis Butafliiqa iyaga oo baaritaanno dheer oo la xiriira musuqmaasuqa waday.












