Dowlada Puntland Oo Ka Hortimid Guddi Loo Xilsaaray Arrimaha Xujeyda iyo in tartan Furan loo galo Dhoofinta Xujeyda.

0
522
Wasaaradda cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland ayaa si adag uga hortimid guddi ay dowladda federaalka Soomaaliya u magacowday inay soo  kala saaraan shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada loo fidinayo dadka Soomaaliyeed doonaya inay soo xajiyaan sanadkan.

Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha diinta  Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe waxaa uu sheegay dowladda federaalku ayan kala tashan Puntland magacaabista guddigaas, waxaa uu sheegay in Boqortooyada Sucuudigu ay sanadkan u qoondaysan Soomaaliya in ka badan 11 kun oo xujay ah

” Dhowr jeer oo hore qaylo dhaan waan sameynay, waxaan ka codsanay oo aan u gudbinay Federaalka, qoondaddii Puntland ay lahayd kow iyo tobanka kun iyo shanta boqol ee loogu tala-galay inay sannadkan ka xajiyaan Soomaaliya in qaybtii Puntland ay lahayd soo siiyaan, arrimahaa dadaal hore oo xoog badan ayaa socday in badan waan iska afgaranay,iyadoo xaaladda ay halkaas marayso oo aan dareemaynay inuu lugjiid badan jiray ayaa waxaa soo baxday wasaaradda Diinta iyo Awqaafta inay guddi magacowday, arrinta waan ka soo horjeednaa raallina kama nihin, arrin nagala tashaday ma ahayn”. ayuu yiri wasiir Cawil Sheekh Xamid.

Wuxuu sheegay in Puntland doonayso inay maamulato qoondadeeda, waxaana uu  ugu baaqay wasiirka diinta iyo awqaafta ee Federaalka inuu ka soo baxo ballantii uu hore u qaaday.

Khilaaf iyo muran ayaa sanadkii hore hareeyay  diyaaradaha iyo cida maamulaysa adeegyada loo fidiyo xujayda Soomaaliyeed, waxaa kaloo dhibaato ka taagnayd lacagaha laga qaado xujayda oo aad u badan marka la barbardhigo wadamada aynu deriska nahay.