Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Qaraxan oo ka dhacay suuqa qudaarta ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhaw 11 qof halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan kadib markii miino lagu aasay wadada hormarta saldhiga yar ee Baydhabo ay la kacday baabuur ay wateen ciidanka Dowlada Soomaaliya.
Qaraxan ayaa lala eegtay meel ay ku badan yihiin dadka magaalada Baydhabo waxaana sidoo kale aysan ka fogeyn xarunta saldhiga Baydhabo,Iyaddoo uu qaraxan geystay qasaarihii ugu badnaa ee ka dhacay magaalada Baydhabo oo uu geysto hal qarax.
Qaraxaani Ayaa mar kaliya Wxa Uu KA Dhacay Suuq Ku YAala Magaalada Baydhabo waxaana uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso,iyaddoo ay dhinteen 11 qof,halka dhaawaca uu ka badan yahay 17 qof oo u badan dadka rayid ah ee ka dhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay
Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo markii danbe halkaasi soo buux-dhaafiyey ayaa waxay fureen rasaas badan oo waxyeelo u geysatay shacabkii meesha joogay,iyaddoo dhinaca kale taasi ay sii kicisay dareenkii cabsida ahaa ee maanta ka jiray Baydhabo.
Mid Ka Miod Ah Isbitaalada Ku Yaala Magaalada Baydhabo ayaa lagu daweynayaa dhamaan dhawacyadii maanta ee qaraxaasi uu geystay, Waxaana halkaasi kusoo xoomay in badan dadka deegaanka oo ka walaacsan qaraxaasi.
Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




