Qarax Xooggan Oo Goor Dhow Ka Dhacay Wadada Makka Al-Mukarama Ee Muqdisho.

0
616

Ciidamo ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ee carwada al-kowsar ee wadada Maka al Mukarama

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qarax xooggan oo laga maqlayay inta badan magaalada uu caawa ka dhacay agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa magaalada laga maqlayay rasaas xooggan oo dhaceysa oo loo maleeynayo inay dhex mareyso, kooxii weerarka ku lug leh iyo ciidamada amaanka Soomaaliya.

Wararka ku aadan nooca qaraxa iyo halka sida tooska ah loola beegsaday ayaan weli si dhab ah loo hubin.

Dadka qaar ayaa sheegaya in qaraxa u ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay jidka Makka Al-Mukarama, gaa rahaan agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama iyo Hotelka kale ee Hillaac.

Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha iyo haddii uu soo baxo qasaare ka dhashay Kala Soco websitekeenna .WARSOM.COM .