“Sh.Xasan Daahir Aweys”Ma Ahan In La Baneesto Dhiiga Muslimka Cid Walibana Qalbigiisa Alle Baa Daalacanaya

0
1406

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Sh.Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab Islamarkaana  ka hadlayay Masjid ku yaalla magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa waxa uu  Ka Warbixiyay Arimo Farabadan Oo Taabanaya Habdhaqanka Al-shabaab

Sidoo Kale Sh.Xasan ayaa sheegay in ay qalad tahay in la baneesto dhiiga dadka Muslimiinta ah taasi oo hadda uu sheegay in ay ku taagan yihiin Dad Uu Ku Sheegay In Ay Si Qaldan Wax U Fahansanyihiin Islamarkaana Uu Sheegay In Ay Isasaxaan Dadkaasi

Waxa Kaloo Uu Sheegay  in uusan ka baqeen in uu runta ka hadlo, waxa uu hadda ka hadlayana ay yihiin wax aan qarsooneen  balse ay adagtahay in ay ka wada hadlaan bulshada iyo Al Sahbaab oo uu sheegay in ay kala baqayaan.

 

“Idinka Hadda Waad BAqaneydaan Waxaad doontaan Ma Shegi Kartaan Lkn Aniga Hadad Waxaad Moodaaan In Aan Soo Taabtay Runta”Ayuu Yirri Xasan Daahir Oo Dhoola Cadeynaya Islamarkaana Si Kaftan Ah Kula Kaftamay Shacabkii Dhageesanayay Qudbadiisa

Sheekh Xasan Daahir  ayaa mar uu soo hadal qaaday dagaalada lagula jiro dowladda iyo AMISOM ayaa waxa uu sheegay in Mas’uuliyadda jihaadka uusan lahayn shaqsi kaliya taasi aysan ahayn mid ka turjumeysa islaanimada Balse Shaqsi Shaqsi Iyo waliba Qabiil Qabiil Loo wadi KAro Jihaadka Lagula Jiro Gaalada Waa Sida Uu Hadalka U Shigat Shiikha.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)