Daladaha Waxbarashada Dalka oo Manhajka Dawlada Fedralku Shaacisey Al-shabaab uga Digeen In Ay Qaataan.

0
527

Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay waxaa ay digniin u direen dallaadaha waxbarashada dalka oo ay uga digeen wadashaqeyn toos ah oo ay la yeeshaan dowladda federaalka.

Cali Maxamuud Raagge [Cali Dheere] oo ah afhayeenka xarrakada ayaa uga digay goobaha waxbarashada inay iska ilaaliyaan inay xiriir la sameeyaan dowladda Federaalka.

Waxaa uu sheegay in dalladaha doonayaan hergalinta Manhajka cusub ee dhawaan dowladdu soo bandhigtay oo ah ayuu yiri mid ka hor imanaya sida uu hadalka u dhiggay shareecada islaamka.

Cali Dheere ayaa sheegay in Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada ee UNESCO ay faafineyso manhaj Waxbarasho oo khaldan, kaasoo ka ka hor imaanaya Diinta Islaamka, isagoo caddeeyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Warka ay soo saareen Al-shabaab ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan dowladda la wareegto Iskuul, isla markaana la soo bandhigay Manhaj Waxbarasho oo ka bilaabanaya dugsiyada Hoose illaa dhexe.