War Kasoo Baxey Wasaaradda Amniga Gudaha oo lagu Hakiyey Musharaxnimada Muqtaar Roobaw Cali Abu Mansuur.

0
549

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

War Kasoo Baxey Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Lagu Sheegay in Aanu Muqtaar Roobow Cali Abu Mansuur Ka Qayb Geli Karin Tartanka Doorashada M/weyne ee Ka Socda Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Waqtiyada Soo Socda iyadoo lagu Micneeyey in ay Jiraan Heshiisyo Lala Galey Beesha Caalamka Markii uu isasoo Dhiibayey iyo Qaybo Kamid ah Waxyaabo La sheegey in Isaga Laftiisu Aanu wali Fulin.

Warka Ayaa Intaas Ku Daraya in Hay’adaha Amniga K/galbeed La Farey in ay Hakiyaan Is Sharixidda iyo Tartamida Sheekh Muqtaar Roobow oo Sanadkan Gudihiisa Kasoo Galaey Dhinaca Dagaalyahanada Al-shabaab oo Mudaba uu Khilaaf Soo kala Dhexgaley Isaga iyo Hugaankii Xarakada Al-shabaab.

Si Kastaba Ha Ahaatee Warkan Ayaa u Muuqda Mid Lagu Raali Gelinayo Wax Loogu Yeeray Beesha Caalamka Isla Markaasna aysan Dawladda Soomaaliya U Madaxbannaaneyn Hawlaha Amniga Gudaha iyo Cid Kasta oo kasoo Harta Al-shabaab Marka Laga Reebo Maleyshiyaadka Yar yar ee ay Qorteen Sida Weyna Aan Loo Aqoon.

heekh Muqtaar Roobow Wax War ah oo kasoo Baxey ilaa Hadda Ma Jiraan Balse Waan Ogaan Doonaa Waxa uu Sheekhu ka Yiraa Xayiraadan Hoostiisa Ka Dhalatey iyo Waxa Ka Imaan Karaba.