Ra’iisul wasaaraha dalka Uganda,Ruhakana Rugunda ayaa ka digay in la dhimo ciidamadda nabad ilaalinta ah ee AMISOM , ciidanka oo u sheegay in amaanka Soomaaliya uu ku tiirsanyahay.
Rugunda oo khudbad ka horjeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay howlgalka AMISOM oo 11-ka sanno jirsaday inuu leeyahay yidaddiillo fiican marka loo eego halka uu joogay billowgiisii,wuxuu inta ku daray in ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay hadda howlgallo ka fuliyaan meelo aad uga fog caasimadda,halka markii hore ay gudaha magaalada ka dagaallami jireen.
Waxaa uu ka digay in ka fiirsasho la’aan looga baxo Soomaaliya,taas oo uu sheegay in ay al-Shabaab u fududeyn karto in ay si dhaqso ah dib ula wareegaan magaalooyinka muhiimka ah,isagoo sheegay in inta ciidanka AMISOM aan la dhimin marka hore la diyaariyo ciidanka Soomaaliya lana qalabeeyo,iyada oo la hubana lagu wareejiyo ammaanka dalka.
Uganda ayaa Waxa Ay Tahey Dawladda Ugu Ciidamo Badan Ciidanka loogu Yeero Amisom Taas oo Caddeyn u Noqoneysa in Dalalka ay Ka Kala Socdaan Ciidamada Amisom aysan Dooneyn in ay Soomaaliya Ka Baxaan Sidii Hore Loogu Heshiiyey in Bilawga 2019ka ay Ciidamada Amisom Bilaabaan ka Bixitaanka Soomaaliya,Taas Badelkeedana La Xoojiyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha dalka Uganda , wuxuu hadalkan sheegay iyadoo uu socdo qorshaha lugu doonayo in lugu dhimo ciidanka AMISOM, si amniga guud loogu wareejiyo ciidamadda Soomaaliya.











