Kulan ay Isugu Yimaadeen R/wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ganacsato uu Hugaaminayey Wasiirkii Hore ee Boostada C/qaadir Jahaweyn ayaa Lagu Soo Waramayaa in uu Ku dhamaadey is Afgaranwaa Laguna kala Dareeray Sida Ay Sheegayaan Warar lagu Kalsoon yahey ayaa Sheegaya in Kulanku Ku Saabsanaa Laysin Isgaarsiineed oo Billaash ah iyo Arrimo La Xiriira Ganacsiga Isgaarsiinta Soomaaliya.
Wasiirkii Hore ee Boostada C/qaadir Jahaweyn oo ah Siyaasi Caan ah in Badanna Kusoo Dhex jirey Siyaasadda ayaa Hadii ay Kala Fogaadaan Khayre waxaa ay Ka Dhigantahey Dhaawac kasoo Gaari Doona R/wasaare Khare Xagga Beesha uu Kasoo Jeedo,C/qaadir Jahaweyn oo aan isku Dayney in aan Arintaas Wax ka Weydiino wey noo Suuroobi weysey kadib markii uu Telefoonka ka Jawaabi waayey.
Si Kastaba ha ahaatee Isgaarsiinta Dalka ayaa Hadda leh Xeer Dhaqan Galey oo Shaqeeya,Waxaana La Sheegayaa in Wasiirkii Hore uu Hdda Shere ka yahey Shirkadda INTERNET SOON Maamulena uu Ka Yahey,taasina ay ku Kaliftey in R/wasaaraha La Weydiisto Laysin Bilaash ah Maadaama Laysinka Lacagtiisu aad u Badantahey,waxaase la Ogaan Doonaa Halka ay ku Biyo Shubato.











