Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray gaari ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho sida ay goob-joogayaal u sheegeen Warbaahinta
Gaar ahaan qaraxan ayaa ka dhacay ilinka hore dhisme ka soo horjeeda Daarta Colow Tower, waxaana la sheegay in uu yahay gaari Nooca raaxadda ah lagu soo xiray walxaha qarxa.
Gaarigan la qarxiyay ayaa la sheegay in uu lahaa Prof Yaxye Sheekh Caamri, waxaana ku nafwaayay wiilkiisa.

Waxaa goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah, ilaa haddana ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo laga helay xogta qaraxan.
warsom2011@gmail.com









