Micheal Keating oo Muddo Xileedkiisii Dhamaadey iyo Shaacbixidda Shaqsigii Badeli lahaa.

0
611

Iyadoo uu dhamaaday muddo xileedkii danjiraha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa lagu wadaa in uu shaqada la wareego Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Africa.

Wali si rasmi ah looma shaacin magacaabistiisa, hasse ahaatee mas’uulkan cusub ayaa noqon doona ergayga xoghayaha guud ee Qaramada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Waa 66 sano jir ka soo shaqeeyay dalalka, Suudaan, Koonfur Africa iyo Pakistan, waxaana uu ku taqasuusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta.

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo xilka ka degaya ayaa wuxuu bedelay xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo u dhashay dalka UK.

warsom2011@gmail.com