Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo ka Hadashey Weerar Dhawaan Lagu Qaadey Xarun Shirkadda Hormuud Laheyd.

0
650

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay ka hadashay weerarada ciidamada Kenya ku hayaan xarumaha shirkadda Is-gaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in marar badan oo hore dowladda Soomaaliya kala hadleen falalka ciidamada Kenya kula kacayaan xarumaha shirkaddaha Is-gaarsiinta Hormuud ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa si is daba joog ah u soo baxayay eedeymo ka dhan ka ah ciidamada Kenya gaar ahaan qeybta Argagixiso la dagaalanka in ay beegsanayaan xarumaha shirkaddaha Is-gaarsiinta Hormuud ku leedahay Gedo iyo Jubbooyinka iyaga oo dab qabsiiyay xarumo dhowr ah islamarkaana dilay shaqaale ka tirsan shirkadda.

War-saxaafadeedka Rugta Ganacsiga :

 

warsom2011@gmail.com