Rag Hubeysan oo Ciidamada Dawlaadda Soomaaliya Muqdisho Ku Toogteen.

0
571

Wararka xiligan Warbaahinta Warsom ka soo gaaraya Isgoyska degmada Hodan ee xaafadda Seybiyaanno ayaa sheegaya in ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya toogasho ku dileen rag hubeysan oo la socday gaar yar oo ku raaxda ah.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in gaari ay wateen ciidamada dowladda oo noociisu ahaa Cabdi Bille muddo uu eryanayay gaarigan ay saarnaayeen saddex nin oo hubeysnaa, hasse ahaatee markii danbe waxaa bilaabatay is rasaaseyn dhaxmartay labada dhinac, ugu danbeyntiina ciidamadu waxaa ay toogasho ku dileen Labo ka mid ah raggii gaariga la socday halka mid kalana uu baxsaday.

Dhinaca ciidamada waxaa la sheegay in is rasaaseynta uu uga dhaawacmay hal askari oo ka mid ah ciidamadii la socday gaariga Cabdi Billaha.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa hadda waxaa ku sugan ciidamada dowladda, lamana garanayo ilaa iyo hadda waxa ay ahaayeen raggan toogashada lagu dilay.

warsom2011@gmail.com