Wararka ay goor dhaw heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in xiisad adag ay ka jirto wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaaliya kaddib markii ay halkaa tageen ciidamo doonayay in aysoo xiraan wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibeda Mukhtaar Mahad Daa’uud.
Ciidamada tagay wasaaradda arrimaha dibeda ayaa la sheegay in wateen warqad waaran ah oo lagu amaray in la soo xiro wasiir ku-xigeenka hasse ahaatee waxaa arintaa ka biyo diiday ciidamo kale oo ku sugnaa Wasaaradda kuwaa la sheegay in ay is hortaag ku sameeyeen ciidamadii kale ee u socday in ay qabtaan Wasiir ku-xigeenka.
Is-mari waaga ayaa la sheegay in lagu war-galiyay Saraakiisha Ciidamada sida Taliyaha Booliska Soomaaliya oo laga sugayo xarunta Wasaaradda, si xaalada u farageliyo.
Wasiir ku-xigeenka ayaa la sheegay in uu gudaha u galay gaari Proof ah isaga oo diiday in uu dhulka u soo dego.
Xiisada ayaa wali halkaa ka jirta Wasaaradda wixii ka soo kordhana waan idin soo gudbin doonaaa.
warsom2011@gmail.com









