Xujeyda Soomaaliya oo Sanadkan La Shaaciyey in Shan Shirkadood ka Shaqeyn Doonaan.

0
566

Wasiiru-dowlaha Wasaarrada Arr Diinta iyo Aw-qaafta dowladda Soomaaliya ahna ku-simaha Wasiirka Diinta Cabdixakiin Xassan Ashkir ayaa sheeegay isaga oo ku sugan dalka Boqortooyada Saudi Arabia in la bilaabayo soo qaadista xujeyda Soomaaliyeed ee guda-naya sanadkan waajibaadka Xajka.

Wasiirka ayaa sheegay in Shan Shirkadood ka shaqeyn doonaan soo qaadista xujeyda Soomaalida, kuwaa oo sida uu hadalka u dhigay hadaba bilaabay howlahoodii shaqo.

‘’Sanadkan wuxuu uga duwan yahay sanadihii hore shirkaddaha ayaa si buuxda u maamuli doona howlaha xajka, halka kaalinta xukumadda-na ay noqon dooto oo kaliya kor joog-teyn oo kaliya ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta.

Wasiiru-dowlaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya siyaasadey-neyso arrimaha Xajka, isaga oo intaa ku daray in madaxda ugu sareysa dalka dadaal badan ku bixiyeen sidii ay xujeyda Soomaaliyeed u tagi lahaayeen sanadkan xajka.

‘’Waxaan rabnaa in si hor dhac ah u sheeg-no in hadda wax walba soo dhamaadeen, dhawaanna xujeyda tagi doonaan dalka Sacuudiga, waxaan beeni-neynaa wararka leysla dhax-marayo ee ah in dowladdu siyaasadey-neyso arrimaha Xajka, waxaan cod dheer ugu sheegey-naa xujeyda Soomaaliyeed in ay tagi doonaan sanadkan Xajka’’ ayuu yiri Cabdi Xakiin Xassan Ashkir.

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa imanaya xili warar madax-bannaan sheegayaan in uu jiro wali khilaafka dhinaca shirkaddaha ah ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga, taasoo dib u dhac ku keentay looga bartay in xujeyda Soomaaliyeed tagaan dalka Sacuudiga.

warsom2011@gmail.com