Booliska Dalka Itoobiya oo Gacanta Ku Dhigey Hub iyo Lacago Caddaan ah.

0
1122

Booliska dalka Itoobiya ayaa la wareegay lacago caddaan ah iyo hub, sida laga soo xigtay sarkaalka ugu sarreeya booliska dalka.

Howlgallo laga fuliyay gudaha iyo dibadda caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la sheegay in lugu soo qabtey ku dhowaad $ 10 milyan oo doolar oo caddaan ah, iyo hub gaaraya illaa 1,000 oo isugu jira qoryaha fudud ,kuwa daran-dooriga u dhaca iyo 80,000 oo rasaas ah.

Taliyaha booliska federaalka Itoobiya, Zeenu Jemal ayaa xaqiijiyay howlgalka lugu soo qabtay hubka iyo lacagta caddaanka ah inay ka qeyb-qaateen hay’adda sirdoonka iyo amniga qaranka Itoobiya ee NISS iyo bilayska gobolka Oromia oo taageero ka helaya dadweynaha, wuxuuna inta ku daray in la qabtay dadkii watey lacagta iyo hubka, ma uusan bixin faahfaahin inta ka badan.

Booliska ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in hubka loo soo galiyay Itoobiya, dalalka Suudaan iyo Jabuuti si ay u abuuraan xasillooni la’aan,  waxaana dhacdadaan ay ku soo aaddaysa xilli ay taagan-tahay xiisad dagaal oo u dhexeysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada  Itoobiya.

warsom2011@gmail.com