Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Labo Qarax oo maataanno ah kuwaa oo durnimadii maaanta ka dhacay Agagaarka SYL gaar ahaan meel aan ka fogeyn Isgoyska Beerta Nabada.
Wariyayaal tagay goobta ayaa sheegay in ay arkeen meydadka rag ku labisnaa dareyska ciidamada laakiin loo maleynayo in ay ahaayeen dabley Qaraxyada kaddib iska horimaad uu dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ugu yaraan Lix ruux oo ay ku jiraan Dableydii weerarka geystay ayaa ku dhintay Qaraxyadan sida laga soo xigtay goob joogayaal.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay waxaa yaala Bar koontarool oo laga ilaaliyo amaanka madaxtooyada Soomaaliya, waxaan labada Qarax kaddib la maqlay rasaas xooggan oo u muuqatay in ay is weydaarsadeen ciidamada dowladda iyo dableydii weerarka soo qaaday.
Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya ay wali warbaahinta la hadlin, waxaana lagu waddaa in goordhow ay goobta yimaadaam Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Qaraxan ayaa imanaya Labo cisho uun kaddib markii uu weerar ku bilaawday Qaraxyo sidan oo kale lagu bar tilmaameed saday Isgoyska Siyadka gaar ahaan xaruta Wasaarraddaha arrimaha gudaha iyo Amniga oo ay gudaha u galleen rag hubeysan waxaa weerarkaa ku dhintay ku dhawaad 17 ruux oo ay ka mid ahaayeen shaqaalle dowladeed.
Xeel Dheerayaal u kuur Galey Qaraxyadan Ayaa Sheegay in Qaraxyada Soo Noq Noqonaya ay Sabab u Tahey Iyadoon Cidna Eedda Loo Saarin Hadii ay Tahey Hay’adaha Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Cidda u Xil saaran Hawlaha Amniga Saacadaha ay Qaraxyadu Dhacayaan.
warsom2011@gmail.com









