Kilaafka Garabyada Barlamaanka oo Dadaalo Lagu Dhex dhexaadinayo ay Socdaan iyo Sida Xaaladu Hadda Tahey.

0
572

Dadaallo lagu xalinayo dhinacyada iska soo horjeeda Beerlamaanka Soomaaliya ayaa ka soconaya xarunta Villa Hargeysa.

Kulan ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacaba ayaa baaqday, lamana oga , sababta uu baaqday kulanka oo xalay la qorsheeyay in uu maanta qabsoomo,.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu soo magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood, kuwaasoo la kulmi doona guddi kale oo dhanka Guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo Xildhibaanada mooshinka wada ka imaanaya, si loo ambaqaado xal u helida arrimaha muranka ka taagan yahay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in xubnaha Guddiga 7-da xubnood ee Jawaari uu magacaabay ay la kulmi doonaan Madaxweynaha, si ay uga arrinsadaan xal u helida arrimaha taagan iyo sidii sharciga loogu kala bixi lahaa.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujineysa khilaafka taagan in loo adeegsado xoog iyo awood maquunin baal marsan xeer hoosaadka iyo dastuurka, waxaana xiriiro ay la soo sameeyeen Madaxda u soo jeediyeen in khilaafka lagu xaliyo dastuurka ama wado kale oo isu tanaasul ah.

Dadaalada socda ayaa ka duwan kuwii hore ee fashilmay, waxaana ay u badan tahay in la gaaro xal ku jira tanaasul, maadaama uu khilaafka daba dheeraaday, isla markaana amni ahaan iyo siyaasad ahaan uu saameyn ku keenay.

warsom2011@gmail.com