Maamulka Somaliland oo Dhismayaal Adeeg Bulsho ka dhagax dhigey Deegaanka Tukaraq ee Dhawaan Dagaalku ka Dhacey.

0
513

Madaxweyne ku  xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban golayaasha xukuumada ayaa soo gaarey Gobolka Sool.

Wafdigan ayaa gaadhey degaanada muranku kala dhexeeyo Puntland, waxaanu soo maray fariisimada ciidamada Somaliland ee deegaanka Tukaraq.

Seylici waxa uu Tukaraq kula kulmay odayaal degaankaas ka soo jeeda, saxaanu uga waramay dowladdiisa iyo waxaa ay ka damacsan tahay Tukaraq oo uu sheegay in ay u baahan tahay adeegyo badan oo nolosha aasaasiga ahi aanay ka maarmin.

Odayaasha degaankaas ayaa u sheegay madaxweyne baahiyaha ay qabaan ,waxaana uu u  sheegay in ay wax ka qabanayaan.

Waxaa isaguna halkaasi ka warbixiyay gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre oo in badan ku dheeraaday dareenka dadka iyo baahiyaha ka jira, isagoo oo xooga saaray dhinaca nabadgelyada iyo horumarka.

Madaxweyne Seylici waxa uu dhismayaal ka dhagax dhigay Tukaraq ,waxaana dhismayaasha kamid ahaa MCH cusub iyo balaarin lagu samaynayo Iskuulka kaliya ee deegaankaas ku yaal.

Safarka Saylici ee gobolka Sool ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo uu ku yimaado gobolkaasi ,tan iyo markii Somaliland ay si rasmi ah ula wareegtay gacan ku haynta magaalada madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

warsom2011@gmail.com