Xildhibaan Caawa lagu Diley Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubaland/yaa ka danbeeya Dilka Xildhibaanka?.

0
522

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa ku dishay magaalada Kismaayo xildhibaan C/xakiin Timo Faras oo ka tirsanaa baarlamaanka Jubbaland.

Weerarka lagu toogtay xildhibaanka ayaa ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo waxaana goobta ka baxsaday kooxdii toogashada geystay.

Ciidamo ka tirsan nabad-sugida maamulka Jubbaland ayaa tagay halka uu weerarka ka dhacay, waxaana soconaya baaritaan la xiriira dilka.

warsom2011@gmail.com