Diyaaradaha ka imaanaya Muqdisho oo laga Mamnuucey Garoonka Cadaado/waa maxey sababtu?.

0
644

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Cadaado looga mamnuucay in ay ka degaan diyaaradaha ka imaanaya Muqidsho, marka laga reebo dyaaradaha hay’adaha Samafalka iyo kuwa AMIOSOM.

Madaxweynaha Galmudug ayaa faray dhammaan hay’adaha ay ku socoto warqadan in ay u hoggaansamaan fulinta amarkan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin wasaaradda gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug, Wasaaradda Amniga Galmudug iyo Shirkadah gaarka loo leeyahay.

 

warsom2011@gmail.com