Baarlamaanada Federalka Xubno ka Tirsan oo ku baxey Xiisadda Siyaasadeed ee Galmudug.

0
638

Magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay tagaan xildhibaanno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka, kuwaasi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Galmudug.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta Cadaado ay tagayaan xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka kuwaasi oo ujeedkooda lagu sheegay qaboojinta xiisada ka taagan Cadaado.

Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii xildhibaano sameystay shir guddoon shalay gelinkii dambe ku kulmay Hotel magaaladaasi ku yaalla ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Laakiin Xaaf oo arintaa ka hadlay ayaa ka soo horjeestay talaabada xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug ay sheegeen in ay xilkii kaga qaadeen isaga.

warsom2011@gmail.com