DHulka Falastiin Ruux Falastiini ah oo ku Toogtey Sadex Qofood, kuwaasoo ka soo Jeeda ISRAA’IIL.

0
617

Nin Falastiini ah oo weerar soo qaaday ayaa maanta xabado ku furay halka la galo deegaan Yahuuda ay ka sameysteen duleedka magaalda Jerusalem, halkaasi oo uu ku dilay saddex nin oo Yahuud ah, isaga oo darran u dhaawacay qof kale Afraad.

Afhayeen u hadashay booliska Luba Samri ayaa sheegtay in ninka weerarka gaystay uu ahaa 37 jir Falastiini ah, oo isku soo dhex qariyey dad Falastiiniyiin ah oo ka shaqeeya xaafadda Har Adar, ee weerarka uu ka dhacay.

Waxa ay sheegtay in rasaasta uu furay kadib markii ay joojiyeen ciidamda ammaanka, si baaritaan loogu sameeyo. Ninka weerarka gaystay ayaa waxaa markii dambe toogtay oo dilay ciidamada ammaanka.

Xaafadda Har Adar waa deegaan ay degan yihiin dadka Yahuuda lacagta leh oo ku yaalla galbeedka Jerusalem, inta u dhaxeysa daanta galbeed iyo Israel.

Tan iyo bishii September 2015, Falastiiniyiinta ayaa dilay 48 qof oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo lala beegsaday mindiyeyn, toogashooyin iyo baabuur lagu jiiray.

Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin ayaa sheegay in “weerarkan uu caddeyn yahay shaqada dhibka badan ee ciidamadeena ay wajahayaan maalin kasta, si ay u bad-baadiyaan shacabka.”

warsom2011@gmail.com