Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmy shirka bilaha ee xasilinta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana shirkan daah furay oo shir guddoominayay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa.
Waxaa shirka sidoo kala ka qeybgalay xubno ka socda dowlad gobolleedyada, wakiilo ka socda caalamka uu ka mid ahaa ku- xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Sooamaliya Peter Dicluk iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska David Concer
Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi faarax Saciid Juxa oo shir Gudoominayay shirkan ayaa sheegay in xasilintu ay muhiim u tahay baahinta awooda dowladnimo.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso xoojinta dowlad goboleedyada dowladnimadana ay ku hergalayso wadajir.
Mashruuca xasilinta dalka oo intiisa badan laga hergaliyay degmooyinka laga xoreeyay Alshabaab ayaa muhiimadiisu tahay soo celinta adeegyada bulshada iyo in dagmo walbo dadkeeda ay helaan maamul ay soo doorteen.
warsom2011@gmail.com









