Gudoomiyaha ahna Duqa Muqdisho oo ka digey Dilalka Ciidamadu kula kacayaan Dadka Shacabka ah.

0
593

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in hadda ka dib aan loogu dulqaadan doonin Askarta ciidamada dowladda dilalka dadka rayidka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto askari ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Waddooyinka, kaasoo shalay qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho.

Askariga ka tirsanaa Ciidamada Taraafikada ayaa shalay agagaarka Geed Jaceyl ee degmada Warta Nabadda ku dilay nin lagu magacaabo Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan.

Guddoomiye Taabit ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuumkaas, waxaana uu sheegay in cadaalada la horkeeni doono, si loo marsiiyo waxa uu sharciga qabo

Waxaa sheegay guddoomiyaha in shacabka Soomaaliyeed mudan yihiin sida uu hadalka u dhigay xormo.

Askarta dowladda ayaa inta badan waddooyinka magaalada dilal ugu geysta dadka rayidka ah.

warsom2011@gmail.com