Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay madaxweynaha cusub ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Awaare.
Madaxweyne Farmaajo waxaa uu soo dhaweeyay ay u dhacday doorashada Hirshabeelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.
Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Hirshabeelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba-galinta iyo hana-qaadka maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.
‘’Waxaan Alle uga baryaayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka dhismaha maamulka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhamaystirka nidaamka faderaal, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka.
warsom2011@gmail.com









