Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Camey ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay wasiiru-dowlihii xiriirka gollayaasha dowlad gobolleedka Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaaji Gurxan.
Kuma cadda wareegtada sababaha rasmiga ah ee xil ka qaadistan keentay hasse ahaatee arintan ayaa timid kaddib markii wasiiru-dowlaha wareysi uu siiyay warbaahinta ku taageeray go’aankii tallaabadii dowladda Soomaaliya ay ugu gacan galisay Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.
Akhriso Wareegtada :

warsom2011@gmail.com










