Dalka INDIA Maxkamad ku taal oo tiro Maxaabiis Soomaaliyeed Xukun ku Ridey.

0
540

Dalka India waxaa xukun lagu riday qaar ka mid ah maxaabiistii Soomaaliyeed ee muddada dheer halkaa ku xirnaa, maalin kaddib markii labada dowladood ay kala saxiixdeen heshiis ka hadlaya mustaqbalka maxaabiista Soomaalida.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Yusuf Garaad ayaa sheegay in 15 Maxbuus oo ka mid ah 118 ka Maxbuus ee Soomaalida ah ee ku xiran magaalada Mumbai ee dalka India la soo taagay maxakamad.

“Xukunka maanta macnihiisu wuxuu yahay in ay xabsigooda ay ka hartay 6 bilood oo keliya, Waxaa kale oo lagu xukumay ganaax aan badneyn”, Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ku sugan dalkaasi India.

Labada wasiir arimo dibadeed ee labada dowladood Soomaaliya iyo India ayaa maalintii shalay kala saxiixday in maxaabiista Soomaaliyeed inta ka dhiman xukunkooda ay ku dhameystaan dalkooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalka dib ugu soo celisay tiro ka badan 100 maxaabiis ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Itoobiya.

warsom2011@gmail.com