Fadhigii Maanta Barlamaanka Federalku Yeelan lahaa oo Cooram la’aan u Baaqdey.

0
629

Fadhi maanta mudanayaasha baarlamanka ay ka yeelan lahaayeen xilka wasiirka wasaarrada dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa u baqaaday Kooram la’aan.

Kulanka maanta oo ahaa mid xasaasi ah ayaa baaqashadiisa waxaa ka dhax muuqata in xildhibaannadu ku kala qeybsan yihiin doodda ku saabsan xilka wasiirka.

Wasiirka wasaarrada dastuurka ayaa Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa dhawaan ka baaqday in uu hortago xildhibaannada isaga oo baaqashadiisa ku sheegay sababo dhinaca caafimaadkiisa ah.

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa kulan ay shalay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa waxay isku raaceen in arrinta Wasiirka loo gudbiyo kulanka guud ee golaha shacabka, iyadoo illaa 10 ka mid ah xubnaha guddiga joogtada ay ogolaadeen in kiiska loo soo gudbiyay dib loogu celiyo xildhibaanada, si ay go’aan uga gaaraan.

Wasiir Xoosh ayaa lagu heystaa in uu Baarlamaanka hor-tagi waayay, kaddib markii loo yeeray, waxaana uu horay uga hor yimid qaraarkii Xildhibaanada golaha shacabka ku laaleen go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare, kaasoo ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 Xildhibaan.

Kulanka maanta ayaa lagu waday in go’aan ka gaarista ay noqon doonto aqlabiyada halka ay u codeeyaan, marka guddoonka uu sharaxo ajandaha in codka loo qaado Wasiirka uu miiska soo saaro, go’aanka ay u codeeyaan Xildhibaanada ay kala cadaan doonto sida uu sheegay Xildhibaan Dhalxa.

warsom2011@gmail.com