Madaxweynaha maamul-gobolleedka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa faray laamaha ammaanka ee maamulkiisa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay baaritaan ugu sameeyaan Qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalladda Kismaayo.
Qaraxii shalay ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari, waxaana ku dhintay dhowr qof halka 20 dad ku dhowna ay ku dhaawacmeen, sida Police-ka ay sheegeen.
Dadkii ku dhaawacmay waxaa ay ahaayeen dad shacab ah oo fadhiyay makhaayad yar oo ku taalla halkii Qaraxa uu ka dhacay.
Axmed Madoobe oo ka hadlay qaraxaasi, ayaa faray laamaha ammaanka Jubbaland inay qaadaan tallaabooyin baaritaan dheeri ah loogu sameynaayo qaraxaasi.
“Waxaan farayaa Hay’addaha ammaanka in baaritaan dheeri ah ay ku sameeyaan Qaraxa, jawaabna ay keenaan”, ayuu yiri Madaxweyne Axmed.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay in Kooxaha ka soo horjeeda Maamulkiisa aysan kala soocin shacab iyo xubnaha u shaqeeya Dowladda.
warsom2011@gmail.com









