Qarax xoogan oo loo malenayo in loo adeegsaday gaari ayaa goor dhaw ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Gaar ahaan qaraxan ayaa ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn saldhiga degmada Waabari ee Isogyska Dabka lamana oga halka uu bartilmaameedka qaraxan uu ahaa.
Mar marka qaar ayaa la maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada amniga, sidoo kalana waxaa goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah.
Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, iyadoo goobta ay xireen ciidamada dowladda oo markiiba tagay.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.
warsom2011@gmail.com








