Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan isku shaandheen uu ku sameeyo golihiisa Wasiiradda, sida ilo wareedyo ay u sheegeen Warbaahinta.
Siyaasiinta ku dhaqan magaalladda Baydhabo ayaa aad u hadal haya isku-shaandheenta lagu sameynayo Wasiiradda.
Suxufiyiinta ku sugan Magaalladda Baydhabo ayaa soo sheegaya in looga yeeray xaruunta Madaxtooyadda Koonfur Galbeed, halkaasi oo uu ka socdo wadatashigii ugu dambeeyay ee ku aadan isku-shaandheynta Wasiirada.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa iminka shir la leh Xildhibaannada, Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo kala tashanayay isku shaandheynta.
Warbaahinta Guduhu xog ku saabsan isku-shaandheenta Golaha Wasiiradda.
1-Madoobe Nuunoow Maxamed, ayaa la filayaa in loo magacaabo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
2- Nadiifo Xaaji oo siyaasadda ku cusub, ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Wasiirka Wasaaradda Haweenka.
3- Wasiirka Amniga, ayaa la filayaa in loo magacaabo Xasan Xuseen Eelaay.
4- Wasiirka Maaliyadda, ayaa la filayaa in loo magacaabo Cabdiraxmaan Sate.
Maamulka Koofur Galbeed oo labo sano ka hor lagu dhisay magaalladda Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay, ayaa markii ugu horreysay waxaa uu doonayaa in is-bedel uu ku sameeyo golihiisa wasiiradda, waxaana jira warar sheegaya in cabasho ay ka timid qaar kamid ah beelaha dega koonfurta-galbeed ee Soomaaliya.
warsom2011@gmail.com








