Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, ayaa maanta hortagaya Golaha Baarlamaanka oo kulan ku yeelanaya Xaruunta Golaha Shacabka ee Magaalladda Muqdishu.
Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa su’aalo ka waydiin doono waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda arrimaha Dastuurka Xukumada Sooomaaliya.
Wasaaradda Dastuurka ayaa muddooyinkii lasoo dhafay waxaa ay wadatashiyo u tegeysay qaar kamid ah xaruumaha maamul-gobolleedyada dalka. Qaar kamid ah magaallooyinka shirarka lagu qabtay waxaa kamid ahaa Kismaayo iyo Baydhabo.
Dhinaca kale kulankii shalay ay yeesheen Golaha Baarlamaanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), ayaa warbixin looga dhageystay Wasiirka Cadaalladda.
Mudane Xasan Xuseen Xaaji, ayaa mudanayaasha golaha shacabka ka hor akhriyay halka uu marayo qorshaha lagu dhisayo golaha adeega garsoorka.
Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dhismaha golaha adeega garsoorka ay iska kaashan doonaan golaha Shacabka iyo Wasaaradda Cadaaladda ,islamarkaana loo baahan yahay in guddiga la dhisayo uu noqdo mid mas’uuliyad garsoor qaadi kara.
Dhageysiga qorshaha xukuumadda ee ku saabsan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka ayuu ahaa ajendaha kalfadhiga labaad kulankiisa lixaad ee mudaniyaasha golaha shacabka.
warsom2011@gmail.com








