Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in loo gudbo nidaamka Asxaabta ama Xisbiyada iyada oo laga gudbayo kan hadda ay dowladda ay ku dhisan tahay ee Qabiilka.
Prof Jawaari ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro dhamaan sharciyadii lagama maarmaanka u ahaa dhismaha Asxaabta siyaasadeed oo uu dalku yeesho.
“Waa muhiim in Asxaab siyaasadeed dalku yeesho taasoo keeni karta in doorasho qof iyo cod ah la aado, waa arrin loo baahan yahay in si qoto dheer looga hadlo”ayuu yiri guddoomiye Jawaari.
Waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed xaq u leeyihiin in ay sameystaan xisbiyo ay ku mideysan yihiin, islamarkaana loo baahan yahay in la dedejiyo dhismaha Asxaabta siyaasadeed ee dalka uu yeelanayo.
‘’Doorashada hadda dalka ka dhacday waxaa ay aheyd mid dadban oo macnaheedu yahay in qeyb shacabka ka mid ah codeeyeen, waxaan rabnaa in shacabka codka loo celiyo, taaana waxaa ay ku iman karta in dalka Xisbiyo ka jiraan’’ ayuu yiri guddoomiyaha baarlmaanka.
Baarlamaanka 10aad ee hadda jira ayaa uga duwan baarlamaanadii hore in ugu yaraan shacabku cod ku leeyihiin madaama xildhibaan walba ay soo soo doorteen 51 qof oo ka tirsan beeshiisa, halka baarlamaannadii ka horeeyay xildhibaannada ay soo xulayeen odayaasha dhaqanka beellaha.
warsom2011@gmail.com








